Coronavirus: Puntland oo baajisay kulan Culimada Tabliiqu lahaayeen

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga faaritaanka Coronavirus ee Puntland ayaa warbixintooda maalinlaha ku sheegay in aysan wali diiwaan-gelin kiisas cusub oo caabuqaas ah.

Sidoo kale, waxay sheegeen in qofkii u dambeeyay oo ay ka baareen Covid-19 ay natiijadiisu noqotay negative ama in uusan qabin cudurka, wallow kolkii hore lagu arkay calaamadihii xanuunka.

Shaqsigaan ayaa la tilmaamay in uu yahay arday kasoo laabtey Itoobiya, kaas oo markii uu isku arkay astaamaha la xiriiray guddiga isla markaana laga qaadey dheecaanadii.

Sidda ku xusan warbixinta uu arkay GO, guddiga wuxuu baajiyey kulan Culimadu Tabliiqu ku lahaayeen Boosaaso "si loo ilaaliyo badqabka caafimaadka culimada iyo guud ahaan shacabweynaha".

Intaas waxaa wehlisa, guddiga wuxuu ka tacsiyeeyey geerida wasiiru dowlihii cadaalada HirShabelle, Khaliif Muumin. Xildhibaanka wuxuu fayruska ugu geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Dadweynaha ayaa mar kale lagu booriyey in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah isla markaana ay raacaan dhamaan talooyinka caafimaad ee ku geedaaman xakameynta colkaan qarsoon.

Ugu dambeyn, guddiga ayaa wuxuu ugu baaqay muwaadiniinta Puntland ee ku sugan gudaha dalka iyo dibadda in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada ka hortagga iyo la dagalaanka fayruskaas.

Qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM