Culimo waanwaan ka dhex wadda ciidamo isku hor fadhiya Qarxis [DHEGEYSO]

Image

June 24, 2015 (GO)- Xilli cabsi weyn laga qabo dagaal ka bilowda gobolka Nugaal ayaa qaar kamid ah culimaa'uddiinka Puntland waxay kala dhex galeen ciidamada uu hoggaaminayo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ee ku sugan duleedka degmada Qarxis iyo ciidan kale oo dowladdu u dirtey inay Gen. Muxiyadiin soo qabtaan.

Sheekh Axmed Daahir oo hoggaamineyey wafdiga culimada ayaa Radio Garowe u sheegay inay lasoo kulmeen saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan islamarkaana labada dhinacba ballan qaadeen inaysan wax dagaal ah qaadi doonin.

Sheekha ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dhaqanka iyo mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda inay xaaladda soo fara geliyaan, si looga baaqsado dagaal halkaas ka dhaca.

Ciidamo uu hoggaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo boqollaal gaaraya ayaa labo maalmood kahor u ruuqaansadey dhanka degmada Eyl, kadib markii dowladdu magaalooyinka Garowe iyo Bosaso kasoo dirtay ciidamo wata ku dhowaad soddon gaari, si ay xoog ugu muquuniyaan Gen. Muxiyadiin iyo ciidamadiisa.

Shalay ilaa maanta waxaa ciidanka Muxiyadiin ku biiray ku dhowaad labo boqol oo askari, kuwaasoo isugu jira ciidamo ka gadooday kuwa dowaldda, askar horay uga tirasanaan jirey ciidanka dowladda iyo dhallinyaro iska abaabushey tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee u dhexeeya Qarxis iyo Eyl.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM