Culimada Puntland oo ka digtey in dowlada daabacdo lacag faalso ah

Image

19 August, 2015 (GO)- Kulan culimada Puntland la qaadatey xubno ka tirsan gudoonka Barlamanka ayey kala hadleen welwelka shacabku ka  qabo in xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas daabacdo lacago Shilin Somali ah.

Warsidaha Garowe ayaa fahansan in kulankaan culimada la yeelatey Barlamanka uga digtey dhibaatada lacago Shilin Somali ah ee la daabaco u keeni karaan nolosha dadka danyarta ah iyo guud ahaan dhaqaalaha degaanada Puntland.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii warar sheegaya soo baxeen in xukuumada Puntland qorsheyneyso in lacago Shilin Somali ah oo lagu daabacey warshad taala magaalada Bosaso ku bixiso musharaadka shaqaalaha.

Culimada kulankaan la gashey gudoonka Barlamanka Puntland iyo guddiyada joogtada ah ayaa sheegey in dhaqaalaha xukuumada Puntland kasoo gala kaabyaasha dhaqaalaha uu ka badan yahay intii hore ayna tahay mas'uuliyad saraan madaxda dalka iney beekhaamiso kuna bixiso musharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada.

Gobolada Puntland oo laga daabacey lacago Faalso dowladii madaxweyne Cade Muse taasoo sababtey dhaqaale xumo iyo sicir barar ku yimaada dhaqaalaha ayaa culimada qayb weyn ka qaateen sidii loo xiri lahaa warshado lacagtaas daabaca ee ku yaaley magaalada Bosaso.

Barlamanka guddigiisa joogtada ah ayaa maalmihii lasoo dhaafey diidey go'aan madaxweyne Gaas ku keeni lahaa degaanada Puntland ciidamo shisheeye.

Madaxweynaha Puntland ayaa wararka la helayo sheegayeen in maalmihii lasoo dhaafey u ogolaadey QM iney la yimaadaan ciidamo ilaalo ah kuwasoo jooga xarumaha ay ku leeyihiin magaalooyinka waaweyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM