Culimada Somaliyeed oo ka qayb qaadanaya nabadda Galkacyo

Image

29 November, 2015(GO)-Culima Somaliyeed oo ka kala socda magalooyinka Bosaso, Burco, Garowe iyo Muqdishu, ayaa saxaafadda kula hadlay magalada Garowe xilli ay qorshaynayeen inay u baxaan magalada Galkacyo oo la filayo inay isugu yimaadaan culimo kale oo ka imaanaya gobollada dalka.

Waxay sheegeen inay ujeedka culimadu isugu imaanayaan tahay qaabkii loo joojin lahaa dhiiga daadanaya ee xarrimtay diinta Islaamka, waxayna sheegeen inay Galkacyo ku qaban doonaan shir dhex dhexaadin ah.

Culimaa'udiinka, ayaa sidoo kale sheegay inay la hadleen mas'uuliyiinta labada maamul isla markaana ka ogolaadeen dadaalada lagu joojinayo dagaal mar kale ka dhaca Galkacyo.

Baaqyo nabadeed ayay u direen dhinacyada dagaallamay ee Puntland iyo Galmudug, waxayna sheegeen inaysan Diinteenna suubani ogollayn dhiigga ku daadanaya xarunta gobolka Mudug.

Abaabulka nabadeed ee culimada, waxaa bar-bar socda miday wadaan siyaasiyiin iyo waxgarad taaso lagu soo afjarayo khilaafka ka dhashay waddo laami la saarayo oo Puntland ka hirgalinayso magalada Galkacyo, gaar ahaan xaafadda Garsoor.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM