​Cumar Cabdirashiid oo ka maqnaa Kulan murashaxiinta Aqalka Sare khudbado ku jeedinayeen

Image

GAROWE, Puntland- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo kamid ah murashaxiinta Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia ee matalaya Puntland, ayaa maanta ka maqnaa kulan xubnahaasi ku jeedinayeen khudbado ku aadan waxqabadkooda iyo taariikh nololeedkooda.

Ra'isal wasaaraha xilku ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid, ayaa safar aan horay loo sii shaacin ku aaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo aan la ogayn sababta uu ugu maqanyahay.

Maalinta barri ah, ayaa la filayaa inuu yimaado magaalada Garowe, islamarkaana uu jeediyo khudbadiisa xilli murashaxiintan cod u qaadi doonaan Barlamanka Puntland.

Mudane CCC, ayaa xilkaas waxaa kula tartamaysa murashax lagu magacaabo Aamina Aadan Cabdullaahi, taasoo maanta khudbadeeda ka jeedisay golaha shacabka Puntland.

Jeedinta khudbahan ee murashaxiinta ayaa ah, qorshe ay jidaysay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxaana lagu sifeeyay inay tahay tallaabo meesha looga saaro inuu qofku isa siiyo kalsooni ee uu galo loollan si uula mid noqdo xubnaha kale ee tartanka kula jira.

Cumar Cabdirashiid, ayaa 15-kii bishan soo gaaray magaalada Garowe, isagoo ujeedkiisu ahaa arrimo la xiriira doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo colaadda ka dhex taagan maamullada Puntland iyo Galmudug, balse waxaa hal mar laga war-helay isagoo safar qarsoodi ah ku tagay dalka Kenya.

Sharmake, ayaa ah dhinaca kale murashax u taagan madaxweynaha dowladda Somalia doorashada dhici doonta bila soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM