Dowlada Puntland oo ka qayb galaysa shir ka dhacaya London

Image
Image
Image
Image

October 16, 2014 (GO)- Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan dalka Ingiriiska ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhoofay garoonka diyaaradaha Garowe.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Afhayeenka Gollaha wakiiladda, wasiiro iyo xildhibaano ayaa kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha halkaas uu warbaahinta kula hadlay.

Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay socdaalkiisu inuu ku wajahan yahay magaalada London oo uu kaga qayb gali doono shir looga hadlayo hormarinta Africa oo dalal badani kasoo qayb galayaan, wuxuuna intaas ku daray inuu kusii hormari doono wadanka Itoobiya.

Wasiirka beeraha iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyadda ayaa safarka Gaas qayb ka ah, wuxuna madaxwaynahu sheegay inay muhiim tahay in Puntland ay hesho hormarin caalami ah iyo iskaashi.

Warar madax banaan ayaa sheegaya arrimaha shidaalka Puntland inuu kala soo hadli doono shirkado shidaal baarista qaabilsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM