Daacish oo sheegatay dilka gudoomiyihii hore ee Qandala

Image

BOOSAASO, Puntland - Kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka garabkeeda Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka gudoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari.

Jaamac Maxamed Quurshe ayaa xalay lagu toogtay agagaarka Kaalinta Shidaalka Allaadi ee magaalo madaxda ganacsiga dowladda Puntland.

Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee lagu magacaabo Amaaq News Agency ayaa baahisay in dabley iyagga ka tirsan ay fuliyeen falkaas.

Dadka degaanka oo siyaabo kala duwan ula hadlay warsidaha GO ayaa intaas ku daray in Quurshe la bartilmaameedsaday xili uu kasoo baxay hotel.

Laamaha ammaanka oo howlgalo sameeyay ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dhowr shaqsiyaad oo lala xiriirinayo dilka mas'uulkaas.

Gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyay toogashada Quurshe ayaa ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

Quurshe ayaa bishii Janaayo, 2012-kii loo doortay gudoomiyaha maamulka Qandala. Sanadkaas waxay ahayd markii ugu horeysay oo gole degaan loo sameeyay degmadaas.

Bishii May, 2018 ayuu xafiiska baneeyay markii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu kala diray golaha degaanka. Yuusuf Maxamed Ciise [Qixiye] ayaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay xilkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM