Daacish oo weerar dhulka iyo cirka ah lagula eegtay bariga Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Fahfaahino dheeri ah ayaa waxay kasoo baxayaan iska hor-imaad iyo duqeyn Talaadada maanta ah ka dhacday gobolka Bari ee Puntland.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in dagaalka uu ka horeeyay duqeyn ay diyaarado ku ekeeyeen fariisimo lagu tuhmayay Daacish.

Ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa weerarka cirka ah kadib waxay is-rasaaseyn la galeen maleyshiyaadka ka tirsan ururka ISIL.

Illo wareedyo ammaan ayaa xaqiijiyey in degaanka duqeynta iyo dagaalku ka dhacay lagu magacaabo Ceelka Il, oo 30 KM u jira degmada Isku-shuban.

Illaa iyo haatan, ma cadda khasaaraha ka dhashay isku-dhaca. Mana jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkan oo kasoo baxay mas'uuliyiinta.

"Kaliya waxaan maqli kareyn rasaasta dhaceysa, laakiin ma sheegi karno khasaaraha," ayuu yiri qof kamida dadka degaanka oo GO la hadlay.

Ciidamadda amniga Puntland ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay sarre u qaadeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ku dhuumaaleysata buuraleyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM