Daallo Airlines oo daahfurtey duulimaad isku xiraya Garoowe-Dubai.

Image
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey duulimaadkan cusub ee ay soo kordhisay Daallo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta daah-furay duulimaadka cusub ee ay soo kordhisay Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, taasi oo Garoowe ka billaabaysa duulimaad toos ah oo isku xidhaya Garoowe-Dubai.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey duulimaadkan cusub ee ay soo kordhisay Daallo, isaga oo muujiyey sida ay dowladdu Ahmiyad gaar ah u siinayso horumarinta Garoomada iyo duulimaadyada Puntland ku xidhaya Adduunka intiisa kale.

Munaasabada waxa ka qayb galay Wasaarada Duulista, Hawada iyo Garoomada, Duqa Degmada Garoowe, masuuliyiinta Shirkada, Ganacsato iyo marti sharaf  kale. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM