Gaas oo Garowe kusoo dhaweeyay A.Madobe iyo Shariif Xasan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

April 29, 2015 (GO)-Madaxwayne CabdiwalI Maxamed Cali oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo afhayeenka baarlamanka Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxwaynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Soo dhawaynta ka dib saxaafada ayay si wada jir ah ugula hadleen aqalka madaxtooyadda Puntland ee Garowe, Gaas oo hadalka ku horeeyay ayaa labadan masuul kusoo dhaweeyay Caasumadda.

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa sheegay inay Garowe u yimaadeen ka qayb galka shirka arrimaha Soomaaliya oo wajigiisa labaad Garowe marti galisay.

Sida Garowe Online warka ku heshay shirka Hiigsiga Somalia 2016 ayaa maalinta barrito ah kurmaya, ka hor shirkaasi waxaa lagu wadaa madaxda mamulda dalka iyo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud inay wada qaataan shirar gooni ah oo loogu sii gogal xaarayo shirka danbe.

Ammaanka Caasumadda ayaa si weyn loo adkeeyay, ciidanka ayaa lagu arkayay wadooyinka muhiim ah ee soo gala laamiga dheer iyo aqalka madaxtooyadda.

Garowe ayaa horay u marti galisay shirar waa weyn oo ay ka mid yihiin Garowe 1.2 iyo ciyaarihii gobaladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM