Gaas oo Garowe kusoo dhaweeyay A.Madobe iyo Shariif Xasan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

April 29, 2015 (GO)-Madaxwayne CabdiwalI Maxamed Cali oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo afhayeenka baarlamanka Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxwaynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Soo dhawaynta ka dib saxaafada ayay si wada jir ah ugula hadleen aqalka madaxtooyadda Puntland ee Garowe, Gaas oo hadalka ku horeeyay ayaa labadan masuul kusoo dhaweeyay Caasumadda.

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa sheegay inay Garowe u yimaadeen ka qayb galka shirka arrimaha Soomaaliya oo wajigiisa labaad Garowe marti galisay.

Sida Garowe Online warka ku heshay shirka Hiigsiga Somalia 2016 ayaa maalinta barrito ah kurmaya, ka hor shirkaasi waxaa lagu wadaa madaxda mamulda dalka iyo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud inay wada qaataan shirar gooni ah oo loogu sii gogal xaarayo shirka danbe.

Ammaanka Caasumadda ayaa si weyn loo adkeeyay, ciidanka ayaa lagu arkayay wadooyinka muhiim ah ee soo gala laamiga dheer iyo aqalka madaxtooyadda.

Garowe ayaa horay u marti galisay shirar waa weyn oo ay ka mid yihiin Garowe 1.2 iyo ciyaarihii gobaladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM