Dad ku dhintay rasaasayn ka dhacday Cusbitalka Galkacyo

Image


14 Novembar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in goordhaweyd la xabadeeyay gaari nin dhaawaca waday oo ku wajahnaa cusbitalka weyn magalada Galkacyo.

Goobta rasaasayntu ka dhacday waxaa ilaalo ka hayay ciidamada dowladda kuwaasi oo waardiyaynayay askar ku dhaawacantay dagaal maanta ka dhacay goob geerash oo ku dhaw dugsiga Yameyska.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa la soo sheegayaa, waxaana falkaasi dhacay kadib markii gaariga dhaawaca waday uu xawli ku soo galay cusbitalka.

Afar qof ayaa dhintay, lix kalena waa ku dhaawacantay siday noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan magalada Galkacyo.

Ilaa hadda ma jiro faah faahin rasmi ah oo laga helayo shilkaas khasaarahiisu inta uu le'egyahay iyo halka xaalku ku dambeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM