Dad loosoo qabtay weerarkii lagu dilay gudoomiyihii gobolka Nugaal

Image

GAROWE, Puntland – Taliska booliska Puntland ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in ay dad u soo qabteen weerarkii ismiidaaminta ee fiidnimadii xalay ka dhacay Barxada magaaladda caasimada ah ee Garowe.

Muxyadiin Axmed Muuse, taliyaha bileyska oo u waramay BBC-da, ayaa carabka ku adkeeyay in ay fahfaahinta oo dhameystiran ay soo bandhigi doonan marka ay baarista soo idlaato.

"Waa dad aan tuhun kusoo qabanay, qofka illaa maxkamada la keeno oo wax ku cadaadaan waa tuhun kaliya, markaa raadka meel fiican ayuu noo marayaa," ayuu hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu qiray suurtagalnimada in mudada baarista ay dheeraato "sababtoo ah argagixisada kiisaskeedu xargo badan buu leeyahay, in aan wada gaarno baan rajeyneynaa".

Falkaas argagixiso oo ay sheegteen maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa sababay dhimashada gudoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo dhaawac sarkaal ciidan si lamid ah askari kale.

Garowe, oo ay dhif iyo naadir ku yihiin dhacdooyinka noocaas ah, ayaa kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo sheegay in laamaha amniga ay dabagal ku wadeen is-miidaamiyaha, ayaa ku adkeystay in falkaas uusan ka weecin doonin la dagaalanka argagixisada.

Xili uu ku nuux-nuux saday in "cawaaqib" ay la kulmi doonan dabiileyaasha, shacabka Puntland ayuu ku booriyey in ay kala shaqeeyaan xukuumadda iyo ciidamadda xaqiijinta amniga.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaasoo ciidamada difaaca Puntland iyo diyaaradaha Mareykanka ay har iyo habeen ku baacsanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM