Dadkii soo dhoweyn lahaa Cali Xaaji oo la celiyey, muxuu ka yiri? DHEGEYSO

Image

June 20, 2015 (GO)- Booliska Garowe ayaa saaka celiyey boqollaal dadweyne ah oo doonayey inay garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyaan wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame oo isagu maanta Garowe dib ugu soo laabtey.

Dadkan oo watey ku dhowaad boqol gaari, waxaa lagu amray inay dib ugu noqdaan magaalada, waxaana laga hor joogsadey inay garoonka gudaha usoo galaan.

Cali Xaaji oo hadlay:

Cali Xaaji Warsame oo markii uu soo degey kaddib si kooban warbaahinta ula hadlay, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dib loo celiyey dadkii isugu soo baxay inay isaga soo dhoweeyaan, dowladana wuxuu ugu baaqay inaysan dadka xoriyadda ka qaadin. DHEGEYSO

Mar uu ka jawaabayey su'aal ahayd "Khilaaf miyaa idiin dhexeeya adiga iyo Madaxweynaha?" wuxuu ku jawaabay

" Maya khilaaf ma jiro noo dhexeeya aniga iyo Madaxweynaha, balse kala aragti duwanaansho ayaa jirta."

Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay dowladda inay si dhaqso ah kusoo magacowdo guddiga doorashadooyinka. Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood waxaa si wadajir ah isula soo magacaaba Madaxweynaha iyo Baarlammaanka. Cabdiweli Gaas ayaa waraysi uu bixiyey bishii hore ku sheegay in dhowaan uu soo magacaabi doono xubnaha guddiga doorashooyinka.

Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa kamid ahaa sagaal wasiir oo todobaadkii hore xilalkooda waayey, kaddib markii Madaxweyne Cabdiweli Gaas isku-shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM