Dadweynaha Garowe oo lacag ugu deeqay qaxootiga Yemen

Image

May 25, 2015 (GO)- Culimada Musa’sada Al-Minhaaj ayaa maanta guddiga dhaqaale u aruurinta qaxootiga ka yimi dalka Yaman ku wareejiyay $21, 000 oo laga soo uruuriyey shacabka ku nool magaalada Garowe.

Culimada ayaa shacabka kala hadlay masjidyada Raxma, Huda, Saxaaba iyo Xaaji Cali , iyagoona ka war bixiyay xaaladda dadka ilaa iyo hadda soo gaaray magaalada Bosaso iyo sida loogu baahan yahay in dadka hantida haystaa ugu gurman karaan walaalahooda dhibaataysan.

Shiikh Dalmar Guureeye Kaarshe oo ka tirsan Al-Minhaaj ayaa deeqdan lacagta ah ku wareejiyay Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo guddiga xubin ka ah, ka dib kulan lagu qabtay Jaamacadda Barriga Africa laanteeda Garowe.

Kaarshe ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii dadka loogu wacyi galin lahaa inay walaalahooda dhibaataysan u caawin lahaayeen, waxa kale uu faah faahin ka baxshay nidaamka ay lacagtan kusoo aruuriyeen.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa u mahad celiyay dadkii dhaqaale aruurintan ka qayb galay, wuxuna sheegay inuu lacagtan ku wareejiyay guddiga dhaqaale aruurinta oo Bosaso ku sugan, sidoo kale waxa uu Shiikh Maxamuud ka hadlay faa’iidada ay lee dahay inaad wax sadaqaysato.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay shacabka Puntland ka qayb qaataan dhaqaale aruurin, waxaana xusid mudan inay gacan ka gaysteen sidii loo xoolayn lahaa qoysaskii ku cayroobey roobabkii qabowga watay ee labo sano ka hor qaybo ka mid ah Nugaal ka da’ay iyo dhismaha Buundada Midigar ee Gobalka Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM