Dadweynaha Garowe oo soo dhoweeyey magacaabista R.W Cumar

Image

December 18, 2014 (GO)- Dadweynaha ku dhaqan Puntland ayaa soo dhoweeyey magacaabista ra'isal wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Radio Garowe ayaa maanta maykrafoonka la dhex qaaday dadweynaha ku nool magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Badi dadku way soo dhoweynayaan Ra'isal Wasaaraha inkastoo ay jiraan qaar  aan taageersaneyn.

Dadka taageersan magacaabista ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku ammaanay go'aanka uu qaatay, maadaama sida ay sheegeen Cumar Cabdirashiid howshan aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in Barlamanka Federaalku codka kalsoonida u qaado Ra'isal Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM