Dagaal beeleed ka dhacay deegaano ku dhow Buuhoodle gobolka Cayn

Image

19 December, 2015(GO)-Dagaal dhaliyay khasaaro nafeed ayaa saaka ka dhacay deegaano katirsan degmada Buuhoodle gobolka Cayn kaasi oo u dhaxeeya labo mallayshiyo beeleed ku dagaallamay deegaan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay, balse xiriiro kala duwan oo aan la samaynay dadka deegaanka, waxay noo sheegeen in dhimashadu marayso 30 ruux dhaawacana kabadanyahay, iyagoo weli labada dhinac helayaan gurmadyo.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Garowe Online u sheegay in tiro dhaawacyo ah lasoo gaarsiiyay cusbitalka Buuhoodle. Dagaalka ayaa saaka ka billowday deegaan lagu magacaabo Gaashaamo oo ku taalla xadka Ethopia, halka wararka kale tibaaxayaan in dagaalku ka dhacay deegaan lagu magacaabo Balliya Xasan.

Majirto cid kahadashay dagaalkan oo ku soo beegmay xilli madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay ku suganyahay degmada oo u tagay arrimo la xiriira tacsi.

Beelaha dagaallamay ayaa xog ogaallo ku sugan Buuhuudlo u sheegeen Garowe Online in muddooyinkii dambe ka taagnaayeen muran ka dhashay deegaan labada dhinac wada dagaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM