Dagaal beeleed khasaare geystey oo ka dhacay degmada Saaxo

Image

December 24, 2014 (GO)- Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen tiro intaas ka badanna lagu dhaawacay dagaal goor hore oo maanta ah ka dhacay degmada Saaxo ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo muddo saacado ah socdey wuxuu dhex maray labo mileeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Duqa degmada Saaxo Cabdisalaam Guuleed Cumar oo isaga oo magaalada Gaalkacayo ku sugan warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey dagaalka isagoo sheegay in mileeshiyaad kasoo jeeda dhanka Galmudug soo weerareen goob ceel laga qodayey oo ku taala deegaanka Saaxo.

Labada dhinacba wuxuu sheegay in khasaare soo gaarey haseyeeshee dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahi u badan yihiin shaqaalihii ka hawlgelayey goobta ceelka laga qodayo ee saaka lasoo weeraray.

Dhaawacyada oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa lasoo gaarsiiyey isbitaallada degmooyinka Galdogob iyo Gaalkacayo.

Asbuuc kahor [December 17, 2014] ayey ahayd markii Barlamanka Puntland ansixiyey degmada Saaxo oo kusoo biirtay degmooyinka gobolka Mudug.

Qaar kamid ah beelaha Galmudug ayaa kasoo horjeestey go'aanka Saaxo degmada loogu magacaabay iyagoo sheegay inuusan sharci ahayn islamarkaana ku doodey in dhulkaasi deegaan ahaan raacsan yahay Galmudug.

Xaaladda Saaxo xiligan waa mid kacsan waxaana socda abaabul xooggan oo labada dhinac wadaan iyadoo laga cabsi qabo in mar kale halkaas dagaal ka dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM