​Dagaal ka bilowday Garacad Mudug [Dhagayso]

Image

GARACAD- Waxaa goordhaweyd deegaan lagu magacaabo Dabakaro oo katirsan deegaanka Garacad gobolka Mudug ka bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada difaaca Puntland iyo mallayshiyaad la tuhunsanyahay inay katirsanyihiin Shabaab.

Sarkaal jiida hore ka dagaallamaya oo lagu magacaabo Low Cabdi Cad, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay in dagaalku socda, isagoo xilliga uu hadlayay la maqlayay rasaas xooggan oo la isweydaarsanayo.

Wuxuu tilmaamay in kooxdan kamidyihiin firxadkii kasoo cararay degmada Godob-jiiraan gobolka Nugal, isagoo xusay in khasaaro xooggan loo gaystay.

Dhinaca ciidanka wuxuu tilmaamay inaysan jirin wax khasaaro ah.

Deegaanka lagu dagaallamayo ayuu xusay inay tahay cadduun bannaan balse leh geedo yar yar oo gaa-gaaban, wuxuuna xusay inay dhawaan soo afjari doonaan mallayshiyadda dagaallamaya.

Dagaalkan ayaa qarxay xilli shalay deegaanka Garacad gaareen wasiirka Amniga Puntland iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

Wixii kasoo kordha dagaalkaasi dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM