​Dagaal ka bilowday Garacad Mudug [Dhagayso]

Image

GARACAD- Waxaa goordhaweyd deegaan lagu magacaabo Dabakaro oo katirsan deegaanka Garacad gobolka Mudug ka bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada difaaca Puntland iyo mallayshiyaad la tuhunsanyahay inay katirsanyihiin Shabaab.

Sarkaal jiida hore ka dagaallamaya oo lagu magacaabo Low Cabdi Cad, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay in dagaalku socda, isagoo xilliga uu hadlayay la maqlayay rasaas xooggan oo la isweydaarsanayo.

Wuxuu tilmaamay in kooxdan kamidyihiin firxadkii kasoo cararay degmada Godob-jiiraan gobolka Nugal, isagoo xusay in khasaaro xooggan loo gaystay.

Dhinaca ciidanka wuxuu tilmaamay inaysan jirin wax khasaaro ah.

Deegaanka lagu dagaallamayo ayuu xusay inay tahay cadduun bannaan balse leh geedo yar yar oo gaa-gaaban, wuxuuna xusay inay dhawaan soo afjari doonaan mallayshiyadda dagaallamaya.

Dagaalkan ayaa qarxay xilli shalay deegaanka Garacad gaareen wasiirka Amniga Puntland iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

Wixii kasoo kordha dagaalkaasi dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM