​Dagaal ka bilowday nawaaxiga Godob-jiiran Nugal

Image

Dagaal xoggan ayaa goordhaweyd ka bilowday nawaaxiga degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugal, waxaan iska hor-imaadkaasi u dhaxeeyaa ciidamada Puntland iyo mallayshiyaadka taabacsan xarakada Shabaab ee dhawaaan kasoo dagay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa yimi xilli ciidamada Puntland go'doomiyeen kooxdaasi oo lasoo warinayo inay haysato dhibaato xooggan dhanka nolosha, waxaana la sheegay inaysan u furney meel ay maraan marka laga reebo dhanka badda.

Ciidamadan oo aad u habaysan waxaa hogaaminaya Gaashaanle dhexe Jimcale Jamac Warsame, wuxuuna markii hore ku bilowday xabado goos-goos ah iyadoo goob-joogayaal nawaaxiga dagaalka kusugan warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen in la isweydaarsanayo hub xooggan.

Dagaalkan ayaa yimi xilli kooxo kuwan lamid ah lagula dagaallmay deegaanka Suuj oo katirsan degmada Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Wixii wararkaasi kasoo kordha Garowe Online kala socda

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM