Dagaal ka socda degaanka Suuj Nugaal, Gen. Muxayadiin oo ka hadley

Image

GAROWE, Puntland- Wararka ka imaanaya deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi uu kasocdo dagaal u dhexeeya ciidanka Dowladda Puntland iyo xoogaga Al-Shabaab oo dhowaan deegaankaasi dhul xeebeedkiisa ka dagey.

General Muxuyadiin Axmed Muuse, oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Puntland, ahaana Taliye Ku-Xigeenkii hore ee Booliska ayaa  kusugan goobta dagaalka isagoo rasaas  ka dhul dhaceyso ayaa sheegay in maanta uu hal askari dhaawac fududi kasoo gaarey dhanka ciidanka ayna kusii si-qayaaan gudaha godadka ay Al-shabaabku ku dhumaaleysanyaan. 

Generaalka ayaa sheegey in ku rajo wayn yihiin in soo  afjari dooonaan dhowaan howlgalkaan isagoo xusey in taxadar ka muujinayaan in ciidamada Puntland khasaaro gaaro aan loo baahneyn. 

Degaanka Suuj oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa waxaa dhowaan dhul xeebeedkeda kasoo dagey kooxo al Shabaab ah kuwasoo iminka ku go'doonsan qarar ku sii jeeda Badweynta  Hindiya.  

Halkan ka Dhageyso wareysiga Gen. Muxayadiin: 

GAROWEONLINE+ BBC

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM