Dagaal ka socda magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug

Image

22 November, 2015(GO)-Waxaa magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ka socoda dagaal xooggan oo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug ee ka taliya magaladaasi.

Khilaafka sababay dagaalka ayaa salka ku haya waddo ku taalla xaafadda Garsoor oo dowladda Puntland dhisaysay, waxaana arrintani timi xilli la banaynayay meel u dhaw Kantrolka Koonfureed ee Galkacyo.

Goob jooge ku sugan Galkacyo oo magaciisa qariyay, ayaa Garowe Online u sheegay in rag hubaysan oo dhinaca Galmudug ka socda weerar ku soo qaadeen, wuxuuna intaasi ku daray in la maqlayo daryanka rasaas xooggan oo dhinacyada dagaallamaya isweydaarsanayaan.

Khasaaraha ka dhashay ayaa lagu sheegay 18 ruux, Afar ka mid ah tahay askarta Puntland, halka 14 kale yihiin dad shacab ah.Waxaa sidoo kale jirta dhimasho aan la xaqiijin.

Lama oga khasaaraha dhinaca Galmudug ee weerarka soo qaaday inta uu le'egyahay.

Dagaalka ayaa weli socda, waxaana sidoo kale jira dhimasho aan tira ahaan la xaqiijin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM