Dagaal khasaaro keeney oo ka dhacey degmada Saaxo

Image

Dec.24, 2014-[GO]- Wararka laga helayo Gobolka Mudug gaar ahaan degmada Saaxo ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu ka dhacay halkaasi, dagaalkan ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan maamulka Gal-mudug oo weerar ku qaaday degmada Saaxo iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay sida wararku tilmaamayaan  khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo labada dhinac ah waxaana sidoo kale la sheegayaa in labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ay gawaari iska kala gubeen.

Gudoomiyaha degmada Saaxo ee gobolka Mudug Cabdisalaan Guuleed oo warbaahinta gudaha la hadlayay ayaa sheegay in dhimashada labada dhinac ay gaarayso in ka badan 20 qof sidoo kale ay jiraan  dhawaac dhankooda ah in lagu dawaynayo degmada Goldogab ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya sababta dagaalka keentay inay lug ku leedahay diidmo ka timid dhanka maamulka Gal-mudug taasoo ay ka soo hor jeesteen Baarlamanka Puntland oo dhawaan ansixiyay Degamadaasi.

Degmada Saaxo ee dagaalku ka dhacay maanta ayaa 17 Dec, 2014 waxaa meel mariyay iney ka tirsan tahay Puntland Barlamaanka.

Dowlada Puntland ayaan weli kasoo saarin wax hadal ah dagaalkaas ka dhacey degaankaas ku yaal gobolka Muqudud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM