Dagaalka Garacad oo istaagay iyo arrimo kasoo kordhay Suuj

Image

Waxaa goordhaweyd hakaday dagaal xooggan oo u dhaxeeyay mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab iyo ciidamada qalabka sida ee Puntland, waxaana iska hor-imaadkaasi ka dhashay khasaaro labada dhinacba ah, balse waxaa khasaaraha u badan dhinaca mallayshiyaadka.

Saraakiil jiidda hore ku sugan oo aan xiriir la samayanay ayaa noo sheegay inay arkeen maydad badan oo kooxdaasi katirsan, iyadoo sidoo kale laga furtay saanad millateri.

Waxay noo sheegeen iyagoo la hadlay GO in lagu hareeraysanyahay haraadiga koox yar oo ka hadhay mallayshiyaadkaasi, iyagoo tilmaamay in labada ciidan is horfadhiyaan kadib markii mallayshiyadu isku aruuriyeen god ama hog ku yaalla deegaanka dagaalku ka dhacay oo qiyaastii 20KM ka xigta dhanka Waqooyiga.

Dhinaca kale, warar aan ka helnay deegaanka Suuj ee gobolka Nugal ayaa sheegaya in halkaasi kasocdo howlo lagu sifaynayo kooxo weli goobta ku sugan, waxaana ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo noo sheegeen inay ilaa hadda la arkay qiyaastii 50 maydadka kooxdaasi.

Waxaa sidoo kale TV-ga Puntland laga baahiyay in ku dhawaan 50 mallayshiyo lagu dilay dagaalka Suuj.

Dhinaca kale war aan la isku hallayn karin xaqiiqadiisa ayaa tibaaxaya in goordhaweyd la toogtay 22 katirsan mallayshiyada goobtaasi ku dhuumaalaysanaysay, halka la sheegayo in gacanta lagu hayo ku dhawaan 20 kale.

Xiriiro aan ka samaynay arrintaasi waxaa adkaatay inaan helno ilo wareedyo la isku halayn karo oo ku sugan jiida hore, mana jirto cid si madaxbaanaan u xaqiijin karta tirada mallayshiyada goobtaasi ku dhimatay iyo kooxda firxatay ee lagu raad joogo.

14 bishan ayay ahayd markii kooxdan ka tirsan Al- Shabaab soo gaareen nawaaxiga deegaano katirsan gobollada Mudug iyo Nugal.

72-saac oo howlgalkan loo qaybtay ayaa dhammaaday iyadoo aan lasoo afmeerin dagaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM