Dagaalka Puntland iyo Somaliland ee Tukaraq

Image

GAROOWE, Puntland - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaalkii maanta Ciidamada maamullada Puntland iyo Somaliland ku dhexamay duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay inuu billaabey, iyadoo hawada isku marayeen hadallo kul-kulul, kuwasoo guul kala duwan ka sheegtay dagaalkaas.

Inkastoo guulo kala duwan kala sheegteen, haddana ma aysan shaacin khasaaraha midba dhankiisa kasoo gaarey dagaalka oo ahaa mid aad u kharaar  ilaa makhribnimadii maalinta Talaadada.

Iska-hor-imaadka ayaa ka qarxay subaxnimadii Talaadada jihooyinka Bari iyo Koonfur uga beegan Tukaraq, kadib markii sida la sheegay Ciidamada Somaliland weerar ku qaadeen ciidamada Puntland oo guuraya.

Puntland, ayaa sheegtay in laba askari looga dilay dagaalka, islamarkaana dhanka Somaliland ay gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayna qabteen maxaabiis oo qaarkood dhaawacyo ah.

Dhankeeda Somaliland waxay sheegtay inay Askar badan ka dishay Puntland, sidoo kalena ay kala wareegtay 5 gaari oo nooca dagaalka ah, oo uu ku jiro Taangi, qaar kalena ay ka gubeen.

Warar uu Warsidaha Garowe Online ka helayo illoa madax-banaan ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada labada dhinac uu gaarayo ku dhawaad 50 Askari, dhaawucuna intaasi ka badan yahay.

Taliyaha ciidamada Somaliland ayaa dhinaciisa saxaafada u qirtey labo sarkaal looga diley dagaalkaan.

Dagaalka ayaa kusoo beegmay xilli Somaliland u dabaal-dagaysay maalinta 18-ka May, oo Ramadan-ka dartiisa loo soo hormariyay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay duulaan kusoo qaadey Somaliland ayaa inta uu hadal kaas ku jirey marna soo hadal qaadin Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo ku suggan Baydhabo ayaa hadal dhinaciisa ka soo saarey dagaalkaan.

Si kastaba, colaadda magaalada Tukaraq ee dib usoo cusboonaatey ayaa timid xilli todobaadkan uu Ergayga QM ee Soomaaliya Michael Keating booqasho ku tagey Garoowe iyo Hargeysa, isagoo labada dhinac kala hadlay sidoo looga hortagi lahaa dagaal ka dhaca gobolka Sool.

Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr dagaal ku dhexmaray gobolka Sool tan iyo 2002, iyadoo labada maamul xiisada u dhaxeysa ay cirka isku shareertay tan iyo markii maamulka Hargeysa uu qabsaday Tukaraq bishii 8-dii January.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM