Dagaalka Saaka ka dhacey degaanka Tukaraq

Image

GAROWE- Dagaal saaka aroortii ka bilowdey degaanka ku dhow Tukaraq ayaa sida wararka lagu helayo sheegayaan ku bilowdey si xoogan kaasoo sababey dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii ugu dameebeeyey ayaa shegaya in dagaalku ku socdo si qabow marka loo eego subaxnimadii saaka iyadoo wararku sheegayaan in suurtagal tahay inuu dib u bilowdo markale.

Lama sheegin guulo Militari oo labada ciidan kala gaareen balse waxaa la soo sheegaya in dhaawac iyo dhimasho jirto labada dhinac.

Magalada Garowe iyo Laascaano ayaa la gaarsiiyey dhaawac balse ma jirto ilaa hadda dhimasho la soo sheegey.

Puntland iyo Somaliland weli kama hadlin dagaalkaan saaka dhacey iyadoo maalmihii ugu dambeeyey madaxda maamulada saxaafada u si marinayeen hanjaabaado la xiriira iney qaadayaan dagaal ay isku difaacayaan.

Somaliland ayaa Tukaraq ku qabsatey weerar sanadkaan horaantiisa ku soo qaadey tuuladaas.

Puntland iyo Somaliland ayaa tan iyo sanadkii 2007 isku hayey gacan ku haynta gobolka Sool kuwasoo midba sheegto in maamulkooda hoos yimaado.

Warsidaha GO ayaa idiin soo gudbin doona wararka ugu dambeeyey dagaalkaan anagoo mar walba hubin doona xaqiiqdooda.

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM