Daladda PUNSAA oo ka hortimi shirkii Heritage

Image

SABTI, September 20,2014- (GO)- Gudoomiyaha Daladda Ururada aan Dowliga Ahayn ee PUNSAA Nuur Shire Cismaan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa sheegay inuusan waxba kala socon shirkii Khamiistii lasoo dhaafay Machadka Heritage ku qabtay magaalada Garowe.

Shire ayaa sheegay barnaamijkaasi aanu ahayn mid macne badan u xambaarsan shacabka Puntland. 

''aniga maba aaminsani barnaamijkay ka hadlayeen inuu yahay barnaamij wax tar u ah umadda Soomaaliyeed, sababtoo ah dadku maanta Federaaliisimka inay iswaydiiyaan caqliga wanaagsan muujin mayo''.

Gudoomiyaha PUNSAA ayaa iska fogeeyay inay ku lug leeyihiin qabsoomida shirka Heritage oo looga hadlayay nidaamka federaalka ee Soomaaliya lagu dhaqi karaa nooca uu yahay.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa u fasaxay machadka Heritage inuu magalada Garowe ku qabsado shirkan oo laga qayb galiyay dad gaar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM