Daladdaha Dhalinyaradda Sanaag & Haylaan oo la dhisay

Image

November 2, 2014 (GO) Wasaradda Shaqada, shaqalaha iyo dhalinyaradda Puntland ayaa ku guulaystaya dhismaha daladaha dhalinyaradda gobaladda Sanaag iyo Haylaan.

Agaasimaha guud ee wasaradaasi Axmed Cabdalle Tigaana oo waraysi siiyay Radio Garowe maanta oo Axad ah ayaa sheegay ahmiyadda laga lee yahay dhismaha daladaha dhalinyaradda inay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa hormarinta iyo isku xirnaanshahooda.

Mar wax laga waydiiyay dhalinyaradda degmada Xingalool oo ka hor yimi dhismaha daladda dhalinyaradda Sanaag ayuu sheegay dastuuriyan Xingalool inay ka tirsan tahay Gobalka Haylaan ayna muhiim tahay inay ka mid noqdaan daladda Haylaan.

Tigaana ayaa sheegay inay ka go'an tahay sidii dhowaan loo dhisi lahaa Daladdii guud ee dhalinyaradda Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM