Daladdaha Dhalinyaradda Sanaag & Haylaan oo la dhisay

Image

November 2, 2014 (GO) Wasaradda Shaqada, shaqalaha iyo dhalinyaradda Puntland ayaa ku guulaystaya dhismaha daladaha dhalinyaradda gobaladda Sanaag iyo Haylaan.

Agaasimaha guud ee wasaradaasi Axmed Cabdalle Tigaana oo waraysi siiyay Radio Garowe maanta oo Axad ah ayaa sheegay ahmiyadda laga lee yahay dhismaha daladaha dhalinyaradda inay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa hormarinta iyo isku xirnaanshahooda.

Mar wax laga waydiiyay dhalinyaradda degmada Xingalool oo ka hor yimi dhismaha daladda dhalinyaradda Sanaag ayuu sheegay dastuuriyan Xingalool inay ka tirsan tahay Gobalka Haylaan ayna muhiim tahay inay ka mid noqdaan daladda Haylaan.

Tigaana ayaa sheegay inay ka go'an tahay sidii dhowaan loo dhisi lahaa Daladdii guud ee dhalinyaradda Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM