Dallada mucaaridka oo ka hor timid Muddo kororsiga Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Dallada mucaaridku waxay maanta ku gacan sayrtay go’aankii guddiga doorashada ee muddo kordhinta loogu sameeyay hay’adaha dastuuriga ah, waxayna ku tilmaameen mid aan sharci ahayn.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dalladdu ay dhowr jeer ka digtay in muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ah iyadoo aan la gaarin heshiis la isku waafaqsan yahay, taasoo ka hor imaanaysa dastuurka.

Dalladu waxay cambaaraysay in Madaxweynaha Muddo cileedkiisa sii dhamaanaya Saciid Deni uu ka hordhacay Shirka ay Isimadu uga hadlyaan arrimaha doorashada iyo xaaladda guud ee Puntland.

Dallada mucaaradka ayaa ugu baaqday Isimmada inay mideeyaan dadaallada lagu joojinayo siyaasadda madaxweyne Saciid Deni oo Puntland u horseedi karta amni darro.

Dalladdu waxay mas’uulliyadda go’aannada halka dhinac ah dusha ka saarayaan Madaxweyne Siciid Deni iyo Xildhibaan Fu’aad Abshir, iyaga oo la tashi ku aaddan hannaanka doorashada soo socota la yeelan doonaan dhammaan qaybaha bulshada sida lagu sheegay bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM