Dallada mucaaridka oo ka hor timid Muddo kororsiga Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Dallada mucaaridku waxay maanta ku gacan sayrtay go’aankii guddiga doorashada ee muddo kordhinta loogu sameeyay hay’adaha dastuuriga ah, waxayna ku tilmaameen mid aan sharci ahayn.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dalladdu ay dhowr jeer ka digtay in muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ah iyadoo aan la gaarin heshiis la isku waafaqsan yahay, taasoo ka hor imaanaysa dastuurka.

Dalladu waxay cambaaraysay in Madaxweynaha Muddo cileedkiisa sii dhamaanaya Saciid Deni uu ka hordhacay Shirka ay Isimadu uga hadlyaan arrimaha doorashada iyo xaaladda guud ee Puntland.

Dallada mucaaradka ayaa ugu baaqday Isimmada inay mideeyaan dadaallada lagu joojinayo siyaasadda madaxweyne Saciid Deni oo Puntland u horseedi karta amni darro.

Dalladdu waxay mas’uulliyadda go’aannada halka dhinac ah dusha ka saarayaan Madaxweyne Siciid Deni iyo Xildhibaan Fu’aad Abshir, iyaga oo la tashi ku aaddan hannaanka doorashada soo socota la yeelan doonaan dhammaan qaybaha bulshada sida lagu sheegay bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM