Dallada Mucaaridka Puntland oo shaacisay Jadwalka Doorashada

Image

GAROWE, Soomaaliya - Dallada mucaaradka Puntland ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadlayso xiisadda doorashooyinka Puntland. iyada oo si cad ku qeexday muhiimadda ay leedahay in doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto, iyadoo laga duulayo go’aannada isimada Puntland.

Waxa ay sidoo kale si rasmi ah u shaaciyeen Jadwalka Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, kuwaas oo noqon doona mid bar-bar socda doorashooyinka lagu muransanyahay ee xukuumadda Madaxweynaha xilka haaya Siciid Cabdullahi Deni.

Wakhtiga doorashadu dhacayso, sida lagu sheegay war-murtiyeedka mucaaridku, waxa ay u dhignayd sidan:

15 - 30 November: Waxaa lagu dhamaystiri doonaa la tashiyada ay yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

1 December: Magacaabista Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

5 - 25 December: Qabashada Dukumintiyada Xidhibaanada Cusub.

31 December: Shaacinta Liiska Xildhibaanada Cusub.

1 Janaayo: Dhaarinta Xildhibaanada Cusub.

4 Janaayo: Doorashada Guddonka Golaha Wakiilada.

8 Janaayo: Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka Puntland.

Mucaaradka ayaa u arka tallaabadani waddada keliya ee nabadda ah ee lagu ilaalin karo dimuqraadiyadda, kana fogaynaysa Puntland wax kasta oo hoose u dhigaya sumcadda ay ku leedahay geyga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM