Dallada Mucaaridka Puntland oo shaacisay Jadwalka Doorashada

Image

GAROWE, Soomaaliya - Dallada mucaaradka Puntland ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadlayso xiisadda doorashooyinka Puntland. iyada oo si cad ku qeexday muhiimadda ay leedahay in doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto, iyadoo laga duulayo go’aannada isimada Puntland.

Waxa ay sidoo kale si rasmi ah u shaaciyeen Jadwalka Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, kuwaas oo noqon doona mid bar-bar socda doorashooyinka lagu muransanyahay ee xukuumadda Madaxweynaha xilka haaya Siciid Cabdullahi Deni.

Wakhtiga doorashadu dhacayso, sida lagu sheegay war-murtiyeedka mucaaridku, waxa ay u dhignayd sidan:

15 - 30 November: Waxaa lagu dhamaystiri doonaa la tashiyada ay yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

1 December: Magacaabista Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

5 - 25 December: Qabashada Dukumintiyada Xidhibaanada Cusub.

31 December: Shaacinta Liiska Xildhibaanada Cusub.

1 Janaayo: Dhaarinta Xildhibaanada Cusub.

4 Janaayo: Doorashada Guddonka Golaha Wakiilada.

8 Janaayo: Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka Puntland.

Mucaaradka ayaa u arka tallaabadani waddada keliya ee nabadda ah ee lagu ilaalin karo dimuqraadiyadda, kana fogaynaysa Puntland wax kasta oo hoose u dhigaya sumcadda ay ku leedahay geyga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM