Dani: Dad dano siyaasadeed leh ayaa hurinaya colaadda Nugaal

Image

GAROOWE - Siyaasiga Cabdullaahi Saciid Dani, oo horey usoo noqday Wasiir katirsan dowladdii hore ee Federaalka iyo musharax ayaa ka hadlay colaad beeleedka kasoo cusboonaatay degaano ka tirsan Gobolada Nugaal iyo Sool.

Dani ayaa nasiib darro ku tilmaamay in iyadoo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" uu ku sugan yahay gobolka lagu guuldareysto in la xakameyn waayo beelaha ay dirirta u dhaxaysa.

"Waxaa nasiib darro ah iyadoo dad mas'uuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweynaha Puntland uu halkaasi ka dhaw yahay arintan la xakameyn waayo, runtii waxay muujinaysaa in mas'uuliyadda sidii loo baahnaa loo gudanaynin," ayuu yiri Dani.

Siyaasiga ayaa sheegay in dagaalka ka socda Cagaare iyo Qoriley ay hurinayaan dad dano siyaasadeed leh, kuwaasi oo dib usoo nooleeya markasta aanooyin hore oo laga heshiiyay, caadifadda iyo qablaayadda.

Wuxuu ku baaqay in aan la isku leynin beelaha walaalaha ah ee deegaan wadaagga ah oo uu sheegay inay yihiin dad waligood isla soo noolaa, iyadoo aan dalka ka jirin wax dowlad ah oo shaqeysa.

Waxa uu sidoo kale ka codsaday Odayaasha, Isimida iyo culimada inay u istaagaan deminta colaadda socota, heshiis waarana la dhex-dhigo Beelaha dagaalka uu u dhaxeeyo, si aan wiil dambe u dhiman.

Dani ayaa tilmaamay in aan mar-masiyo laga dhigan daaqsinka iyo baadk ka dhaxeeya beelaha, balse loo baahan yahay in xalka laga raadiyo meesha saxda ah, oo ah in la isasoo horu-fariisiyo beelaha, lana dhameeyo waxa soo celiyay dagaalka.

Hadalka Dani ayaa imaanaya iyadoo maanta dagaal ka dhacay deegaanno Miyo ah oo ku yaalla inta u dhaxaysa Sool iyo Nugaal, gaar ahaan nawaaxiga Burtinle oo uu jooga Madaxweyne Gaas ay ku dhinteen 5 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM