Dani oo diidey qorshe wafdi DF Soomaaliya ka socda ay u gudbiyeen

Image

BOOSAASO, Puntland - Kadib markii maalintii shalay magaalada Boosaaso ee caasimada ganacsiga Puntland booqasho ku tageen wafdi Wasiiro ah oo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wararka ku xeeran safarkoooda waxay sheegayaan in wada-hadalo ay la galeen madaxda ugu sareysa maamulkaas au guuldaro ku dhamaadeen.

Wafdigaan oo ay ku jireen Wasiiro Xildhibaano ah [Wasiirka Qorsheynta Jamal, Kalluumeysiga Bidhaan, Wasiiru dowlaha maaliyada Xayir iyo Wasiiru dowlaha boostada Cabdulahi Bile Nuur] ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka arimaha dibada, Axmad Ciise Cawad.

Wararka Warsidaha soo gaaraya ayaa sheegaya in xubnahaan qodobada ugu waaweyn oo Boosaaso ay la tageen ay aheyd in la hagaajiyo xiriirka dowlada Federaalka iyo Puntland iyo In Madaxweyene Dani laga baajiyo qorshe uu ku tagi doono magalaada Kismaayo.

Wadahadalkaan oo xalay goor dambe gaarey ayaa ilo lagu kalsoon yahay Garowe Online u sheegeen in Madaxweyne Dani diidey in gorgortan ka galo jiritaanka Jubaland isagoo dhinaca kale soo dhoweeyey wadahadalo lala galo Dowlada Federaalka kuwaas aan shuruudo lagu xirin.

Xubnahaan ka socda  Dowlada Federaalka kana soo jeeda Puntland oo xilal sare ka haya xukuumada ayaa sida dadka sida dhow ula socda siyaasada sheegayaan in Villa Soomaaliya cadaadis ku hayso ah iney Puntland xal ka keenaan. 

Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo ayaa dagaal adag ugu jirta sidii loo go'doomin lahaa maamulka Jubaland dhinac siyaasadeed iyadoo dhinaca kale ku soo rogtey xayiraado dhinaca cirka ah.

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa isagu tan iyo inta uu la wareegey xilka ugu sareeya Puntland ayaa goobo badan ka sheegay islamarkaana wacad ku marey inuusan gorgortan ka gali doonin arimaha masiiriga ah ee Puntland kuwaas oo ay ugu horeeyaan  ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah madaama uu qodob Dastuur ah yahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM