Danjire Afey: ma socon karo xasuuqu, waa laysla xisaabtamayaa
December 2, 2015 (GO)- Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa khudbad qiiro leh oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey munaasabad maanta magaalada Galkacayo ka dhacday, taasoo ay heshiis ku kala saxiixdeen Puntland iyo Galmudug.
Danjire Afey ayaa ugu horreyn wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed dib ugu noqdaan dagaal sokeeye iyo halkii la joogey kow iyo labaatan sano kahor, isagoo xusay in la marayo waqtigii midnimada, wax wada qabsiga iyo horumarka, islamarkaana aan loo baahneyn dib in loo noqdo.
"anigu uma arko maanta inay tahay maalin farxad ah, waa maalin murugo badan, waa maalin aan loo baahneyn inay dhacdo.... in maanta laga wada hadlo dad shacab ah oo is laayey hala heshiisiiyo, arintaasi farxad maleh" ayuu yiri.
Dhanka kale, Wakiilka IGAD wuxuu aad u canaantay madaxda Soomaalida isagoo ku boorriyey in ay hoggaamiyeyaal wanaagsan noqdaan kana shaqeeyaan daryeelka iyo horumarka dadka ay madaxda u yihiin, haddii kale xilka iska wareejiyaan.
"Haddii aydin hoggaamiyeyaal noqon karin shacabka haloo banneeyo...haddii kale hoggaamiyeyaal fiican noqda dadkana ha isku dirinina, janno laguma gelayo wallaahi naar baad ku mudaneystaan"
Ceeb ayuu ku tilmaamay dagaalkii magaalada Gaalkacayo ka dhacay, isagoo sheegay in uu wax u dhimayo kalsoonida beesha caalamku ku qabto Soomaaliya, maadaama lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, muddo koobanna ka harsan tahay dhameystirka hiigsiga 2016.
Danjire Afey wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in laysla xisaabtami doono, hadda kadibna aysan dhici doonin in dadka shacabka ah la dhibaateeyo iyadoon waxba laga soo qaadeyn.
"Ma socon karto in hadda kadib dadka la xasuuqo oo aan laysla xisaabtamin, haddii aan lala xisaabtamin xasuuqu sidan ayuu u soconayaa...shacabka meeqa sanaa la laynayaa yaana qaadaya mas'uuliyadda...ma socon karto taasi"
Wakiilka IGAD wuxuu si weyn u bogaadiyey qaabka madaxda Soomaalida isugu xil saareen xal u helidda dhibaatadii magaalada Gaalkacayo ka dhacday, wuxuuna ku tilmaamay in tallaabadaasi cadeyn u tahay sida ay Soomaalida uga go'an tahay xal u helista mashaakilka maxalliga ah.
"waxaa farxad leh oon soo dhoweyneynaa madaxda Soomaaliyeed ee maanta halkan taagan...waxay na tusinaysaa beesha caalamkana rajo ku abuuraysaa, hadii gobol Soomaaliya ka tirsan dhibaato ka dhacdo inaad isu soo gurman kartaan isuna soo hiilin kartaan, waana idiinku hambalyeyneynaa"
Dhinacyada saxiixay heshiiska wuxuu kula dardaarmay inay mas'uuliyad weyn iska saaraan fulinta qodobadii lagu heshiiyey.
Ugu dambeyntii wuxuu baaq u diray bulshada Galkacayo ku nool isagoo ku boorriyey in ay nabadda ka wada shaqeeyaan, maadaama ay yihiin dad walaalo ah oon sina u kala maarmi karin.
GAROWE ONLINE