Danjire Bari-Bari oo Garoowe lagu aasey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

March 29, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa galabta aas qaran loogu sameeyey -AHN- Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari oo ahaa danjirihii Dowladda Federaalka ee dalka Switzerland.

Bari-Bari ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyoodey weerarkii labo maalmood kahor Al-shabaab kusoo qaaddey hoteelka Maka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Madaxda ugu sarreysa Puntland, mas'uuliyiin ka tirsna Dowladda Federaalka, isimmo, culimaa'uddiin iyo boqollaal dadweyne ah ayaa kasoo qayb galay aaska.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo aaska kadib hadlay ayaa Eebe naxariis uga baryey marxuumka tacsina u direy eheladii iyo qaraabadii uu ka tegey.

Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Yuusuf ahaa shaqsi kaalin weyn kasoo qaatey horumarinta xuquuqul insaanka Puntland, kaasoo marnaba dadka Soomaaliyeed illaawi doonin.

Yuusuf Bari Bari ayaa muddo dheer soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, xilkaasoo March 1, 2008 uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wuxuu sidoo kale xubin kasoo ahaa ururkii SSDF isagoo mar loo magacaabey af-hayeenka ururka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM