Danjire Nicholas Kay oo booqday xabsiga dhexe ee Garowe

Image
Image

March 12, 2015 (GO)- Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay oo maalintii labaad Garowe ku sugan ayaa maanta booqdey xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.

Booqashada Danjire Kay ee xabsiga waxaa ku weheliyey Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Alloore iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Indho-guran.

Saraakiil ka tirsan ciidamada asluubta oo Taliye Cali Nuur kamid ahaa ayaa wafdigaas si diirran usoo dhoweeyey.

Mas'uuliyiinta ayaa kormeeray dhammaan qaybaha uu xabsigu ka kooban yahay iyagoo sidoo kale xog wareysi la yeeshay qaar kamid ah maxaabiista.

Nicholas Kay ayaa gelinkii dambe ee shalay madaxtooyada Garowe kula kulmey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Labada mas'uul ayaa kulankooda arrimo dhowr ah diiradda ku saarey, waxaana ugu muhiimsanaa Higsiga 2016, sugidda amniga, la-dagaalanka Al-shabaab iyo weliba sidii loo sii dardar gelin lahaa mashaariicda dhanka horumarinta la xiriira ee Qaramada Midoobey ay ka waddo Puntland.

Xabsiga dhexe ee Garowe oo kamid ah kuwa ugu casrisan guud ahaan Soomaaliya, waxaa ku jira qaar kamid ah maxaabiista burcad badeedka ee laga keenay dalka Seychelles iyo maxaabiis kale oo Soomaali ah kuwaasoo xukunno culus horay loogu ridey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM