Dar-dargelinta nidaamka khasnada midaysan ee Puntland oo laga shiray

Image
Image
Image
Image
Siyaasada TSA-da waxaa horay u meel mariyeen Golaha wasiirada dowladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Mas'uuliyiin ka socda Bangiga Dawladda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa kulan ku yeeshay Bangiga dhexe ee Dawlada kaas oo looga hadalay Dar-Dargelinta nidaamka khasnada Midaysan ee Dowladda Puntland.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha guud ee Bangiga Maxamed Faarax Maxamuud, agaasime ku xigenka Bangiga Marwo Aniso Cabdiraxmaan Shaxbal, Xisaabiye ku xigeenka Dowlada Cali Jaamac Gaashaan iyo Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Mas'uuliyiinta Bangiga Dowladda ayaa soo jeediyay (Presentation) ka sameeyay sida uu shaqaynayo systemska TSA kaas oo ay sameeyen Engineerada IT-ga ee Bangiga waxana Agaasimha Bangigu sheegay in ay diyaar u yihiin Kaalinta kaga aadan Hirgalinta khasnada midaysan ee dowladda.

Shirkan oo ahaa isxogwaraysi ayay Masuuliyiintu ku Falanqeeyen Muhiimada Qorshahan iyo Talaaboyinka lagama maar maanka u ah Hirgelintiisa waxa ayna isla qaateen in la dardargeliyo hirgelintiisa.

Sidoo kale, ku-xigeenka xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland Cali Jaamac Gaashaan ayaa isaguna cadeeyey in xafiiska xisaabiyaha guud iyo Wasaaradda Maaliyaddu ay si buuxda ugu diyaar garoobeen hirgelinta khasnadda midaysan.

Siyaasada TSA-da oo ay horay u meel mariyeen Golaha wasiirada ayaa ah nidaam suuragal ka dhigaya in dhamaan Dakhliga iyo kharashka Dowladda ay maraan hal Akoon taas oo xal u noqon doonta joojinta Kharashaadka aan loo baahnayn ee ay sababaan Xisaabaha farahabadan ee ka furan Bankiyada kala duwan, islamarklaana waxay fududaynaysaa habsami u socodka daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka Maaliyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM