Dar-dargelinta nidaamka khasnada midaysan ee Puntland oo laga shiray

Image
Image
Image
Image
Siyaasada TSA-da waxaa horay u meel mariyeen Golaha wasiirada dowladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Mas'uuliyiin ka socda Bangiga Dawladda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa kulan ku yeeshay Bangiga dhexe ee Dawlada kaas oo looga hadalay Dar-Dargelinta nidaamka khasnada Midaysan ee Dowladda Puntland.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha guud ee Bangiga Maxamed Faarax Maxamuud, agaasime ku xigenka Bangiga Marwo Aniso Cabdiraxmaan Shaxbal, Xisaabiye ku xigeenka Dowlada Cali Jaamac Gaashaan iyo Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Mas'uuliyiinta Bangiga Dowladda ayaa soo jeediyay (Presentation) ka sameeyay sida uu shaqaynayo systemska TSA kaas oo ay sameeyen Engineerada IT-ga ee Bangiga waxana Agaasimha Bangigu sheegay in ay diyaar u yihiin Kaalinta kaga aadan Hirgalinta khasnada midaysan ee dowladda.

Shirkan oo ahaa isxogwaraysi ayay Masuuliyiintu ku Falanqeeyen Muhiimada Qorshahan iyo Talaaboyinka lagama maar maanka u ah Hirgelintiisa waxa ayna isla qaateen in la dardargeliyo hirgelintiisa.

Sidoo kale, ku-xigeenka xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland Cali Jaamac Gaashaan ayaa isaguna cadeeyey in xafiiska xisaabiyaha guud iyo Wasaaradda Maaliyaddu ay si buuxda ugu diyaar garoobeen hirgelinta khasnadda midaysan.

Siyaasada TSA-da oo ay horay u meel mariyeen Golaha wasiirada ayaa ah nidaam suuragal ka dhigaya in dhamaan Dakhliga iyo kharashka Dowladda ay maraan hal Akoon taas oo xal u noqon doonta joojinta Kharashaadka aan loo baahnayn ee ay sababaan Xisaabaha farahabadan ee ka furan Bankiyada kala duwan, islamarklaana waxay fududaynaysaa habsami u socodka daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka Maaliyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM