Darawaliinta Gawaarida Bajaajka oo Cabanaya

Image

GAROWE- Qaar kamid ah darawallada ku shaqeysta gawaarida loo yaqaanno Bajaajka ayaa ka cabanaya amarro lagu soo rogay kuwaas oo xadidaya goobaha ay isticmaalayaan.

Laamaha ammaanka Garowe oo ogolaansho ka haysta dowladda hoose ayaa ku amray gawaariddan inaysan marin qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah caasumadda Puntland, iyagoo lagu eedeeyay inay qayb ka qaataan socod xumada iyo ciriiriga soo wajaha baabuurta xilliyada qaybtood.

Iyagoo arrintaasi diidan ayay dhawr jeer oo hore sameeyeen bannaanbax iyo cabashooyin ku addan amarka dowladda hoose, balse looma samayn wax garowshiyo ah, waxaana weli socda is-faham darro dhextaalla dowladda hoose iyo mulkiilayaasha gawaaridaasi.

Waxay ku doodayaan inay yihiin muwaadiniin bixiya canshuurta ku waajibtay iyagoo sheegay inaysan xaq ahayn tallaabada laamaha ammaanka Garowe.

Darwaliinta qaybtood oo maanta la hadlayay Radio Garowe ayaa tilmaamay inaysan ku qanacsanayn awaamiirtan, waxayna cadeeyeen inaysan diidayn wixii sharci ah, balse tani hareer-marsantahay xuquuqda ay waddanka ku leeyihiin.

Dowladda Hoose degmada Garowe ayaa dhawaan kala xadayn u samaysay baabuurta waaweyn ee Basaska loo yaqaano iyo Bajaajka, waxaana lagu amray gawaarida yar yar inay isticmaalaan labo waddo oo qura waloow aysan weli u hogaansamin oo cabasho ka muujinayaan.

Halkan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM