​Deeqdii Turkiga ee gobolka Gardafuu oo la musuq-maasuqay

Image

BOSASO, Puntland- Wararka laga helayo deeq raashin ah oo wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland u qoondaysay gobolka fog ee Gardafuu ayaa lasoo sheegayaa inay musuq-maasuqeen mas'uuliyiin katirsan kuwa gobolkaasi.

Gudoomiyaha degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu, Abuukar Axmed Yuusuf ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu ku sheegay in gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gardafuu uu musuq maasuqay qoondadii gobolku kulahaa raashinkii Turkiga.

Abuukar ayaa sheegaya in arrintaasi loo hayo caddaymo ku aadan qaabka loo khiyaamay raashin inkastoo uusan caddayn cadadka laga qaaday iyo markii hore inta wasaaraddu qoondaysay.

Wuxuu caddeeyay inaan degmada la keenin qoondadii saxda ahayd ee dadka deegaanka loogu talo galay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayuu ka codsaday inay qaado tallaabo lagu ciqaabayo dadka ku kacay falkaas isagoo carrabka ku dhuftay in qaab bareer ah deeqdaasi dukaamo looga iibsaday.

Arrintan ayaa daba socota musuq-maasuq horay loogu sameeyay deeqdan oo dowladda Turkiga ugu talo galeen shacabka tabaalaysan ee ku sugan Puntland, Galmudug iyo gobolka Hiiraan. Halkan ka Akhriso

Gobolkan ayaa soo maray dhibaatooyin adag oo isugu jira; Abaaro iyo Duufaanno, waxaana bulshada la daalaa dhacayeen waxyeelladii soo gaartay. Horay uma aysan jirin wax caawinaad ay ka haleen xukuumadda haatan talada haysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM