​Degmooyinka gobolka Nugal oo shir u furmay

Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo amniga guud ee gobolka Nugal, waxaana loo qabtay xubno kasocda degmooyinka uu gobolku ka koobanyahay.

Shirkan oo socon doona 2 maalmood waxaa looga arrinsanayaa nabadgalyada iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaana ujeedka ka dambeysa lagu sheegay xaaladaha soo kordhay iyo dagalladii dhawaan dhacday.

Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo la hadlay Radio Garowe, ayaa fahfaahshay shirka furmay, wuxuuna tilmaamay in looga doodi doono ajandayaal uu lix ku sheegay kuwaasi oo kala ah;

1-Warbixin guud iyo xog is dhaafsi

2-Xaaladda amniga ee degmada walba

3-Xaaladda abaaraha

4-Tayaynta maamulka, xiriirka iyo wadashayqa

5-Soo saarista baaqyo iyo go'aamo

6-Soo saarista qorshaha bilaha soo socda

Cumar, ayaa tilmaamay in shirku barri soo xirmi doono islamarkaana lasoo bandhigi doono waxyaabaha kasoo baxa, isagoo baaq u diray shacabka oo ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga islamarkaana u fududeeyaan howlaha ay hayaan.

Wuxuu u digay bulshada isagoo xusay ciddii magan galin siisa kooxda Shabaab in sharciga lala tiigsan doono islamarkaana dowladdu la wareegi doonto hantidiisa.

Tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii lala galay kooxda Shabaab waxaa kor loo qaaday ammaanka gobollada Puntland iyadoo la xoojiyay howlgallada nabad galyada lagu xaqiijinayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM