Deni: Dadka Puntland waa in ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay kadib kulan uu la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl ayaa tilmaamay rajada dadka deegaanku ay ku qabaan Golahan ay ku soo doorteen codkooda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Deegaanka, waxgaradka iyo bulshada Degmada Eyl bisaylka dimuqraadiyadeed iyo midnimada ay muujiyeen, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in dhammaan dadka reer Puntland ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Golaha deegaanka cusub ee degmada Eyl iyo guddoonka cusub ee ay doorteen wuxuuna ku baraarujiyay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo qorsheeyaasha Dowladda ee ku aadan horumarinta degmada dhinackasta. 

Dhankooda, Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Eyl iyo guddoonkooda ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, hirgelinta Doorashada hal qof iyo hal cod ee Puntland, dhismaha wadooyinka iyo mashaariicda dalka ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM