Deni: DF Soomaaliya waa in ay joojiso qaadashada doorka Galmudug

Image

GAROWE, Puntland – Puntland oo shaacisay mowqifkeeda doorashooyinka Galmudug ayaa ku waanisay xukuumadda federaalka Soomaaliya in ay faragelinta ka joojiso arrimaha maamulka Xaaf.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyaddoo madaxweyne Xaaf uu ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay "boob" ku hayso arrimaha doorashooyinka ee dowlad goboleedkaas.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland, oo u waramay "BBC-da, ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in la loo hogaan-samo dastuurka qabyadda ee dalka.

"Sida aannaan annaguba u jecleyn in aan faraha lala galin arrimaheenna hoose ayey Puntland iyaduna u ixtiraameysaa maamul walba arrimhiisa gudaha ah," ayuu Deni yiri.

Wuxuu ku daray: "Waa dabiici in ay aragti kala duwanaan iyo khilaafaad dhacaan xilliga doorashada, laakiin waxaan ku ixtiraameynaa dadka reer Galmudug inay arrimahooda dhammeystaan".

Deni ayaa cod dheer wuxuu kusoo jeediyey "in dowladda dhexe joojiso qaadashada doorka Galmudug ee uusan u fasixin dastuurka".

Dhinacyadda ku midoobay dhismaha Galmudug ayuu ku adkeystay "in ay ku filan yihiin xalinta tabashooyinka iyo arrimahooda gaarka ah".

"Dadka reer Galmudug waa dad soo jireen ah, waxay qeyb ka qaateen xorriyaddii dalka, waxay aasaas u yihiin midnimada Soomaaliyeed, waa dad Soomaaliya xuddun u ah, intaas iyo ka badan ayey ku filan yihiin, marka waxaan rajeynayaa in howlaha galmudug loo daayo dadka reer Galmudug," ayuu xusay.

Doorashooyinka Galmudug ayaa laga cabsi qabaa in dib-u-dhac kale ku yimaadan kadib khilaaf dhanka Xaaf ka yimid, waxaana Villa Soomaaliya lagu eedeeyay "in ay calanka u luleyso dano gaar ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM