Deni: Dimuqraadiyaynta Puntland si fiican bay ku socotaa

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda doorashada guuddonka Golaha Deegaanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xalay wuxuu goobjoog ka noqday Doorashada guuddonka Golaha Deegaanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Doorashadda ayaa waxay ahyad mid kamid ah sadexdii degmo ee degaanadda Puntland ka qobsoontay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee hal qof iyo hal cod. 

Golaha deegaanka degmada Eyl oo shacabku kusoo doortay codkooda ayaa xalay iska dhex-doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen, iyagoona Guddoomiyaha degmada Eyl u doortay Faysal Khaliif Wacays oo helay 26cod, halka ay Guddoomiye Ku-xigeen u doorteen Cabdirisaaq Kilwe Yusuf oo isna helay 15cod.

Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegtay in doorashada ayaa kusoo dhammaatay "si guul ah oo taariikhiya". Xubnaha la doortey waxay ka tirsan yihiin ururka dowladda ee KAAH. 

Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo Gudoomiye Ku-xigeenka cusub ee degmada Eyl, wuxuu boggaadiyay sida wanaagsan ee uu u socdo hannaanka dimuqraadiyadda Puntland, isagoo sheegay in dhammaan laga wada hirgelinayo degmooyinka Puntland. 

"Caawa oo ay u ahayd shacabka degmada Eyl habeen taariikhiya ayaa waxaa munaasibadda doorashada Guddoonka Golaha Deegaanka ka qayb-galay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland oo qaadanaysay doorkeeda dhismaha goleyaasha deegaanka iyo ku dhawaaqista Natiijada Doorashadda, Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, siyaasiyiin, waxgarad, Ganacsato, Ururada bulshada degmada Eyl iyo Musuuliyiin kale," ayay tiri madaxtooyadda.

Balanqaadka Deni ee ah in nidaamka dimuqraadiyadda ay xukuumadiisa ku baahin doonto guud ahaan degaanada Puntland ayaa imaanaya xilli ay jiraan caqabado ay ugu horeyso abaarta dalka saameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM