Deni: Dowlada Federaalka xoolo noogama maqna; waa xisaabtan

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka jawaabay su'aal ay aalaaba is-waydiiyaan shacabka ku nool maamulada oo ay ku jiraan reer Puntland oo ah "maxaa nooga maqan federaalka?".

"Dowladda Soomaaliya waxay ku jirtaa geedi u socod siyaasadeed, dowladda wali ma cago dhigan. Geedi u socodka siyaasadeed ma ahan wax la isasiiyo".

Isaga oo shacabka gobolka Karkaar la hadlaya ayuu raaciyey: "Geedi u socodka siyaasadeed waxaa la rabaa in aan qayb ka ahaano hadaan reer Puntland nahay".

Wuxuu ku daray: "Geedi u socodka siyaasadeed waa xisaabtanka. Beelaha reer Puntland markaan dhexdeena ka xisaabtameyno waad garaneysaa saa u xisaabtantaan, xisaatankaas oo kale weye waxa naga maqan horta".

"Waxa aad sheegeysaan, waa waxa marka aad ii tiimadaan i waydiineysaa. Markaa ii timaadaan waad ila xisaabtameysaan, jagooyin baad i waydiineysaan, waxbaa i waydiineysaa," ayuu xusay.

Dadweynaha ayuu u sheegay "Anna hadaa i doorateen xisaab baan idin kugu maqanahay. Marka xoolo la yiraahdo idinkaa hadda uruurinaya oo u wada Koonfur maahan.

"....Xaggaa aniga hadda xoolo ugu dudi mayo, iyagaa dhiban, waana jeclaan in aan [taageerno mar walba]. Waana kala qaadayaa nidaamka siyaasiga ah oo loo haysto Koonfurta Soomaaliya, taasna waa qalad".

Deni ayaa raaciyey: "Dowladda Federaalka waa dowlad annaga aan qayb ka nahay waa 4.5 soo maahan, hab qeybsi baa lagu joogaa, marka hogaanka hadda jooga iyo Puntland baa wada xisaabtamaya".

Midimadda Soomaaliya

Deni ayaa cod dheer ku sheegay in aas-aasitaankii Puntland ay muhiim u ahayd wadajirka iyo midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

"Puntland maxay ula xisaabtameysaa hogaanka maanta jira? waxay u wada xisaabmayaan, Puntland waa meesha ay ka dhalatay midnimadda Soomaaliya in la ilaaliyo oo Punland lagu aas-aasey oo maanta Sool iyo Sanaag aanu ugu mitideyno iyo dadka degaankaa in ay mid ahaadaan. Qodobkaa kaliyaa midnimadda adkeeyay horta".

Somaliland iyo Puntland, oo deris ah, ayaa goboladaas isku haysta, waxaana labadda dhinac u kala jooga maamulo.

"Puntland in la dhisay ayaa midnimadda Soomaaliya adkeysay," ayuu hoosta ka xariiqay. "Waan hubaa hadii ay jiri lahayd wax la yiraahdo Waqooyi Bari, in midnimo Soomaali aan maanta la arkeen.

Shaqsiyaadkii doorka wanaagsan ka cayaaray aas-aaskii Puntland – kuwa dhintay ayuu u rajeeyay naxariista ALLE – kuwa nool ayuu tibaaxay in ay taariikhda baal dahab ah ka geli doonan lana ilaabi doonin.

Daal la'aan

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay "in uu lasoo taagnaan doono xisaabtan iyo adkeynta nidaamka federaalka" taasoo shacabka uu ku booriyay in ay maamulkiisa ku garab istaagaan.

"Orodkeenaa [shaqadda] batay kuwaa rabo in ay lugaha na qabtaan, u maleynaa," ayuu qeexay. "Kama daaleyno in aan qabano waxa noola doortay".

Muwaadiniinta ayuu u soo jeediyay in ay qayb ka qaataan geedi socodka siyaasadeed ee dalka, halka dadka qeybtiisa uu ku waaniyay "in aysan ka shaqeynin howl aan Puntland waxba loogu tareyn".

Xukuumaddiisa ayuu ku nuux-nuux saday in ay ahmiyadda koowaad siineyso amniga, dul-baalmarsiga ay wado Somaliland, kobcinta dhaqaalaha iyo sidii dadka loogu boorin lahaa in ay shaqeystaan.

"Ha aadin iyo waan aadeynaa"

Madaxweyne Deni ayaa daboolka ka qaadey in dowladda federaalka ay ka codsatay in uusan ka qeybgelin caleema saarkii madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe ayaa 22-kii October lagu caleema saaray Kismaayo kadib doorasho si dimoqraadi ah u qabsoontay oo 22-kii August ka qabsoontay xarunta ku meel gaarka maamulkaas.

"Safarii aan ku aadney Jubbaland dadka reer Puntland oo dhan waa soo dhaweeyay. Federaalka taasaa isku dhaynay waxay dhaheen ha aadinina," ayuu yiri. "Go'aan aan dantiina [reer Puntland] ahayn ma qaadan doono".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM