Deni: Imaaraadka wuxuu agabka nasoo gaarsiiyey xilli loo baahanyahay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu kaga mahadceliyey Imaaraadka Carabta kaalmada caafimaad ee ay ka dejisay magaalada Boosaaso.

Deeqdaas ayaa loogu talagalay xakameynta faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Coronavirus, kaas oo aan wali kiis la xiriira aanan laga helin degaanadda dowlad goboleedkan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu yiri: "Madaxweyne Deni oo uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Agab Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasi oo Imaaraadku ugu deeqay Puntland".

"Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus," ayuu ku daray.

Wuxuu raaciyey: "Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay".

Deeqda xukuumadda Abu Dubai ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii Deni uu saaxibada caalamka ee Puntland ku booriyey in ay ka gacan-siiyaan la dagaalanka xanuunkaas.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ay tahay maamulka kaliya ee ka jira Soomaaliya ee si buuxda u dhaqan-geliyey talaabooyinka ka hortagga oo uu ku jiro bandow habeenkii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM