Deni iyo Qoor-qoor oo wadahadalo ku leh Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu gaarey magaalada Gaalkacyo halkaasoo wadahadalo kula yeelanayo dhigiisa Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Labada hogaamiye ayaa la filayaa in ay kawada xaajoon doonan qadiyado ay ugu horeyso doorashooyinka iyo qodobada uu is-mari-waaga ka taagan yahay sidda guddiga magacaaban iyo masiirka gobolka Gedo ee mugdiga ku jira.

Qoor-qoor wuxuu xarunta gobolka Mudug kaga haray wafdigii Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee dhowaan booqashada ku tegay halkaas.

Puntland iyo Jubaland ayaa diidey in ay soo magacaabaan xubnaha ku metalaya guddiyadda doorashooyinka labada heer sababa la xiriira in Villa Soomaaliya ay faragelisay xubnaha maamulada kale soona xulatay dad taabacsan.

Dowladahan xubinta ka ah xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale waxay codsadeen in lasoo saaro ciidamadda dowladda federaalka geysay Gedo isla markaana Villa Soomaaliya joojiso "colaadda ay ka hurineyso gobolka".

Lama ogga haddii is-araga Deni iyo Qoor-qoor uu dhabaha u xaari doono kulan kale oo ay isugu yimaadaan madaxda maamulada kale ee ka jira dalka.

Doorashadda madaxtinimada Soomaaliya ayaa loo madalsan-yahay in ay dhacdo 8-da Febraayo, halka xulista mudaneyaasha labada Aqal ee baarlamaanka ay dib-u-uga dhacdey waqtigii lagu balamay taasoo xoojisay hubanti la'aanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM