Deni oo amar siiyey guddiga dib-u-habeynta Shaaqalaha

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga dib-u-habeynta Shaaqalaha Dowladda oo isugu jira Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada, iyo Shaqaalaha iyo Madaxtooyada.

Guddigan ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan halka uu marayo, qorshaha nidaamka mushahar kordhinta shaqaalaha rayidka ah oo muddooyinkii u danbeeyay ay Guddigu ka shaqeynayeen.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada la qabtay wuxuuna faray guddiga in dhakhso loo dhameystiro qorshahan, si mushahar kordhinta shaqaalaha ay u bilowmato Bisha January 2021.

Waa markii u horeysay mushahar kordhin la sameynayo tan iyo markii la asaasay dowladda Puntland, waxaana tani ay qeyb ka tahay siyaasadda Madaxweynaha ee tayeynta dowladdnimada.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM