Deni oo baaq kasoo saarey kiisaska kufsiga ee horyaala maxkamadaha

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu ka qayb galay munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaala madaxda Garoowe.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac.

Si lamid ah waxaa qeyb ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay'addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

"Waxad wada ogtihiin kayskii Caasho, ood makhraanti ka tihiin inuu si hufan kusoo dhammaaday. Waxan halkan uga baaqayaa iyadana maxkamadaha iyo cidda sharciga gacanta ku haysa kiis kasta oo kaa lamid ah inay waddo sharci ah oo cadaalad ah mariyaan".

Wuxuu xusay: "Waxaan kaloo u sheegayaa dadweynaha mararka qaybtood inaysan kahor dhicin maraaxisha maxkamaduhu maraan".

"Waxaad ogtihiin Caa'isha sidaas oo kalaa waxaa loo oran jiray, kayskeeda waa la musuq maasuqay, waxaanaa dhacay, kanaa dhacay .... indhihiinnaad markhaanti uga ahaydeen, kuwa kale oo hadda socdana waxaan rajaynayaa in laga war sugo," ayuu kusoo xiray.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM