Deni oo baaq kasoo saarey mar-xaladda kala guurka ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Shirka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka furmay magaaladda Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweynaha oo Khudbadd dheer ka jeediyey furitaanka Shirka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, geedi socodka Siyaasadda Dalka iyo Federaalismka , wuxuuna sheegay Madaxweynuhu in Shirka Dhuusomareeb uu yahay Shaqo loo qabanayo Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ka digey in masiirka Soomaaliyeed laga dhigo mid iska daba-wareeganaya, wuxuuna ku baaqay In marxlada kala guurka ah looga gudbo hanaan la isla ogolyahay.

Shirkan waxaa Madaxweynayaasha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kala qeybgalaya, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Soomaaliya, Wafuud la socday Madaxweynayaasha, Siyaasiyiin iyo xubno ka socda bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM