Deni oo baaq kasoo saarey mar-xaladda kala guurka ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Shirka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka furmay magaaladda Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweynaha oo Khudbadd dheer ka jeediyey furitaanka Shirka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, geedi socodka Siyaasadda Dalka iyo Federaalismka , wuxuuna sheegay Madaxweynuhu in Shirka Dhuusomareeb uu yahay Shaqo loo qabanayo Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ka digey in masiirka Soomaaliyeed laga dhigo mid iska daba-wareeganaya, wuxuuna ku baaqay In marxlada kala guurka ah looga gudbo hanaan la isla ogolyahay.

Shirkan waxaa Madaxweynayaasha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kala qeybgalaya, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Soomaaliya, Wafuud la socday Madaxweynayaasha, Siyaasiyiin iyo xubno ka socda bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM