Deni oo baaq u diray dhalinyaradda degaanada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha ayaa ka hadlay shirka dhalinyaradda Puntland oo maanta qabsoomay.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dhallinyarada Puntland oo labo maalmood ka soconaya Garoowe.

Deni ayaa boggaadiyay Shirwayanaha Dhallinyarada Puntland, oo ah fursad dhallinyaradu arrimahooda gaarka ah ku gorfeynayaan, wuxuuna u rajeeyay in uu noqdo mid ay wax wanaagsan kasoo baxaan.

Dowladda Puntland oo ka duulaysa siyaasadda Madaxweynaha ee fursadsiinta Dhallinyarada Puntland ee uu hore u ballan qaaday, waxaa Dowladdu hirgelisay nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo dhallinyarada siinaya fursad-siyaasadeed oo aysan hore u haysan, Dowladda oo 69% Dhallinyaro tahay, Sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Puntland oo la sameeyay iyo  sidoo kale horumarinta Ciyaaraha iyo Garoomada Kubadda cagta Puntland.

Shirwaynaha ayaa lagu soo bandhigay hal-abuurka qaar ka mid ah Dhallinyarada Puntland, oo sameeyay Gawaari, Adeegyo danabeysan iyo agab kala duwan, waxaana lagu dhiirrigeliyay dadaalkooda iyo hal-abuurkooda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhallinyarada Puntland ugu baaqay ka shaqeynta midnimada, nabadda iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo Ku dhawaaqay halku dhigga cusub ee ah Midnimo iyo Nabad.

Kulanka waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kala qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Ururada Bulshada, Dhallinyarada Puntland oo isaga yimi dhammaan Gobollada iyo marti Sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM