Deni oo baaq u jeediyay Xildhibaanada Golaha Degaanka Gaalkacyo

Image
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Xildhibaannadu ay u noqdaan hormuud isbeddelka.

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo, kuwaas oo ku soo baxay doorashooyinka qof iyo cod ah.

Madaxweyne Deni ayaa Golaha Degaanka ku bogaadiyey hawsha culus ee ay daka u hayaan isagoo ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan danaha dadweynaha iyo Hogaaminta Bulshada

Xildhibaanada ayaa la wadaagey warbixin ku saabsan xaaladda degmada iyaga oo isla markaana weydiiyeyey Madaxweynaha su’aalo muhiim ah oo ku saabsan sidii Degmada loo horumarin lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Xildhibaannadu ay u noqdaan hormuud isbeddelka iyo hogaaminta Bulshada

"Wakhtigiina waa inaad bulshada ugu adeegtaan oo aad horseed ka noqotaan horumarka iyo jiheenta Bulshadda." Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM