Deni oo balanqaad u sameeyay xubnaha KMG doorashooyinka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Dhaarta kadib Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah.

“Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Dowladda Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo la-tashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah," ayuu yiri.

“Sidoo kale Madaxtooyada la-tashi badan oo dhaafsiisan cid walba oo waxgarad ah oo reer Puntland ah anagoo eegayney marxaladdan cusub dadka ku haboon, xeerinayneyna habka uu guddigani u shaqayn karo, la-tashigaa wakhti badan buunaga qaatay runtii, Alle ayaan uga mahadcelinaynaa taladaas kadib inuu go’aankii idinka noqday, anaga dedaal ayaa nafaran, Alle ayaa idiin-gartay inaad ka mid noqotaan, maantana Alle hortii ayaad u dhaarateen inaad masuuliyaddaas qaadaan," Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Deni ayaa Guddiga u xaqiiyey inaanay dhanka dowladda kaga imaan-doonin duruufo siyaasadeed oo caqabad ku noqda shaqadooda.

“Duruufaha imaandoona anuu ka waramimaayo oo cilmi qayb ma ihi, waxaan cadaynayaa duruufo siyaasadeed oo dowladda ka yimid inaanay caqabad ku noqondoonin doorashada, wixii kale idinkaa u joogidoona, waxaan kaloo ku kalsoonahay maanta iyo shalay inay kala duwan tahay oo dadku maanta u bisilyahay nidaamka dimuquraadiga ah, waxaana daliil u ah doorashadii dhowayd qaybo kamida qabaa’ilada doorasho ayay kusoo xuleen xildhibaanadooda halkii uu hal qof qorilahaa," Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga u xaqiijiyey in dowladdu wajibaadkeeda iyo taggeeradeeda shaqo, dhaqaale iyo taloba diyaar ulatahay, waxaana uu xusay in iyagana lagarabo shaqo hufan oo wakhtiyaysan, isla markaana waxa uu tilmamaay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u qabtaan Doorashooyinka Dowladdaha Hoose, talo iyo shaqo badan kadib.

Puntland State House

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM